Xassan Shiikh Maxamuud Gur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalkaah ee Soomaaliya oo maalmahan safar ku joogey dalka Turkiga ayaa kulan la qaatey raysalwasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan.
Kulanka labada masuul ayaa Waxa Uu Ka dhacay magaalada istanbul ee dalka Turkiga Iyadoona Uu Madaxweynaha Soomaaliya Turkiga Ujeedka Uu u Tagay Ahaa sidii Dawladda Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo dib u dhiska ciidanka
Dalka Turkiga Safiirka Soomaaliya u fadhiya ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay qalinka ku duugeen heshiis iskaashi kaas oo dalka Turkigu ku sii ballaarianyo taageerada Dowlada Gur Guurte.
Safarka Madaxeeynaha Ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya Iyadoona Dowlada Turkiga Iyo indhaha caalamka Ay ku soojeediyey Soomaaliya kadib markii uu booqdey Bishii Oktober 2011 xiligaas oo Koonfurta Soomaaliya ay ka taagneyd macaluul ba’an, xaaladda amniguna ay ka Ay Aheyd Mid Aan Leesku Haleyn Karin




