Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray, Balan Qaadaayna In Ay Dhisayaan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

0
467

Ahmet Da’ud Ogle Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Ayaa Maanta Ka Soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Isagoona Socdaal Dheer Laguna Micneeyey booqasho ku marey goobo kala geddisan oo ku yaala Gobolka Banaadir.

Sidoo Kale Wasiirka ayaa booqdey Goobaha ay ka socdaan mashaariicda dhismaha Oo Ay Ka Wado Dawladda Turkigu sida xarunta weyn ee Agoonta, iyo Goobaha deeqaha Turkiga lagu qaybiyo, iyo weliba goobo caafimaad Oo Ku Yaalo Goobaha Oo Uu Booqday Ahmet Da’ud Ogle.

Ahmet Da’ud Ogle Ayaa La Hadlay Mudanayaasha Baarlamaanka Isagoona Sheegay In Ay Dhismaha xarunta Baarlamaanka Ka Gacan Siindoonaan Islamarkaana Sheegay in Ay Haatan Sidaan Lagu Sii Dayn Karin Xarunta Baarlamaanka.

Dowlada Dalka Turkiga ayaa Dhawaanba wada qorshe dib loogu dhisayo baarlamaanka Soomaaliya guriga ay ku shiraan, kaas oo ku burburey dagaaladii sokeeye haddana dayactir kooban lagu sameeyey baarlamaanka dhismihiisa ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid caalami ah oo la saanqaadi kara goobaha ay ku shiraan baarlamaanada caalamku, isla markaana lagu qaleebyo qalabka casriga ah sida kuwa sheega codadka la dhiibtey, Mikrofoonada hadalka.

Ahmet Da’ud Ogle ayaa sheegay in ay soo direen Injineeradii qiimeyn lahaa islamarkaana samayn lahaa naqshadda Loo Dhisi Lahaa Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho.