Xafiiska Jinsiga AMISOM Oo Maanta Kulan Dood Ah Haweenka Soomaaliyeed Ugu Qabtay Magaalada Muqdisho.

0
502

Doodaan ay so qabanqabiyeen Ciidama AMISOM ayaa waxaa hadlayay sidii ay kaalin ugu yeelan lahaaye haweenka Soomaaliyeed siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ayaa maanta oo Isniinah lagu qabtay xarunta ciidamada Midowga Afrika ee Magaalada Muqdisho.

Dooddan Lo qabtay haweynka ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyay xafiiska jinsiga AMISOM oo loo yaqaan AMISOM Gender Office, waxaana ka qaybgalay haween ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo haween ka tirsan ciidama Boliska Dalka soomaaliya.

waxa qudbad ka so jeediyay madaxa xafiiska jinsiga ee AMISOM, Mane Axmed oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa kulanka ka sheegtay in kulankaan ay ugu talogaleen inay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyaan inay kaalin ka qaataan xaqiijinta amaanka.