”Xasan Sh.Gur Guurte” Dilalka Wariyayaas Soomaaliyeed Guddi Ayaa Loo Sameyn Doonaa Sida Ugu Dhaqsaha Badan.

0
458

Xasan Sheekh Maxamuud Gur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, wariyayaashii ka soo laabtay magaaladda Kismaayo madaxda warbaahinta Soomaalida Tifaftirayaal, iyo qaar ka mid ah wakiiladda warbaahinta Caalamiga ah Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynahu Ayaa Ugu Horeytii wuxuu Warbixin Ku Aadan Xaaladaha iyo dhibaatooyinka heysta saxaafadda ka dhageystay Tifaftirayaal iyo qaar ka mid ah madaxda warbaahinta Maxaliga Ah Ee Ka Howlgala Soomaaliya .

Sidoo Kale Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday in Dowladda Soomaaliya wax ka qaban doonto dhibaatooyinka heysta Saxaafadda Soomaaliyeed islamarkaana Uu guddi Xilsaaran wariyayaashii Sannadkaan lagu dilay Soomaaliya Magacaabayo.

”Mr Gur Guurte“Waxaan Aad uga xumahay dilalka Suxufiyiinta,Dowladdu waxay ku dadaali doontaa sidii dilalkaan looga hortagi lahaa, Wariye ayaa la dilay ama qof kale haddana laga gudbo ma’aha wax la qaadan karo , Dowladdu marka hore waxay baaritaan ku sameeyn doontaa wariyayaashii Sanadkan lagu dilay Soomaaliya ee gaaraya 17-ka Wariye, guddi ayaa loo saari doonaa sida ugu dhaqsaha badan”.

Gaba Gabaddii Ayaa Madaxweynuhu ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in hey’adaha ammaanka gacan ku siiyaan sugidda amniga iyo sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka ka dambeeya dilalka saxaafadda isagoona ka codsaday beesha caalamka in hey’adaha ammaan gacan-kusiiyaan sugidda nabad-geliyada Guud Ahaan Dalka Soomaaliya.