Muwaadiniin Soomaali ah Ku Xiran Dalka Sweden oo Dawladda Federalka Soomaaliya Ka Codsaday in loo Soo Gurmado.

0
3

Muwaadiniin Soomaali ah oo ku xiran xarumaha lagu hayo dadka wajahaya dib-u-celinta ee dalka Sweden ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay soo farageliso xaaladdooda, iyagoo sheegay inay muddo ku xiran yihiin, isla markaana ay ka cabsi qabaan in si khasab ah loogu celiyo Soomaaliya.

Mid ka mid ah muwaadiniintan oo lagu magaacaabo Masra Maxamed ayaa sheegtay inay ku xiran tahay Sweden muddo ku dhow hal sano, iyadoo markii hore lagu hayay qol loogu talagalay dadka lagu eedeeyo dambiyada. Waxay sheegtay inay dowladda Sweden ka codsatay magangelyo, balse markii codsigeeda la diiday ay dalbatay in haddii aan loo oggolaan inay dalka sii joogto loo fududeeyo inay Soomaaliya ku laabato.

“Anigu dambi ma gelin. Haddii magangelyadayda la ii diiday, waddankayga ii geeya ama xorriyaddayda i sii daaya,” ayay tiri Masra.

Waxay sheegtay in muddo bilo ah ay ku jirtay xarumaha xabsiga iyo kuwa dadka loogu hayo dib-u-celinta, iyadoo marar badan la wareystay, balse aysan weli helin go’aan cad oo ku saabsan xaaladdeeda.

Masra ayaa sidoo kale sheegtay inay la xiriirtay safaaradda Soomaaliya, balse ay ka cabanayso in aan wax xal ah laga gaarin xaaladdeeda. Sida ay sheegtay, markii ay safaaradda caawimaad ka dalbatay waxaa loo sheegay inay bixiso qarash haddii ay doonayso in habka looga sii daayo xarunta la dedejiyo.

“Waxay ii sheegeen haddii aan rabto in xabsiga la iga fududeeyo inaan qarash bixiyo,” ayay tiri, iyadoo sheegtay in aysan awoodin inay bixiso lacag dheeraad ah.

Haweenka kale ee Soomaalida ah ee ku xiran Sweden ayaa iyaguna sheegay inay ku jiraan xaalado ay ku adagtahay inay fahmaan sababta loo hayo iyo halka ay ku dambayn doonto xaaladdooda.

Mid ka mid ah haweenka ayaa sheegay in dowladda Sweden mar ay sheegto in Soomaaliya ay aqoonsan tahay marka dadka dib loogu celinayo, balse marka laga hadlayo dukumentiyada iyo aqoonsiga muwaadiniinta ay soo baxaan caqabado kale.

“Marka laga hadlayo tarxiilka waxaa la leeyahay Soomaaliya waa la aqoonsan yahay, laakiin marka arrintu timaaddo aqoonsiga iyo dukumentiyada, waxaa la leeyahay Soomaaliya lama aqoonsana,” ayay tiri.

Dhanka kale, muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Sakariya, oo sheegay inuu Sweden ku noolaa muddo 15 sano ah, ayaa sheegay inuu hadda ku xiran yahay Stockholm, isla markaana uu ka cabsi qabo in si khasab ah loogu celiyo Soomaaliya.

Sakariya ayaa sheegay in shan carruur ah ay Sweden ugu dhasheen, carruurtiisuna ay haystaan baasaboorka Sweden, halka xaaskiisuna ay iyaduna haysato baasaboorka dalkaas.

“Aniga muddo 15 sano ah ayaan joogaa. Shan carruur ah ayaa halkan igu dhalatay, baasaboorka Sweden ayay haystaan, xaaskeyguna baasaboorka Sweden ayay leedahay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Soomaalida kale ee lagu hayo xarumaha dib-u-celinta ay tiradoodu gaari karto ilaa 50 qof, kuwaas oo ku kala xiran Stockholm, magaalooyin kale iyo meelo ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Sakariya ayaa sheegay in dadka qaar loo diyaarinayo dukumentiyo safar, isagoo ka digay in dib-u-celinta khasabka ah ay kala qoqobi karto qoysas ku nool Sweden.

“Aniga xataa cabsi ayaan ku jiraa. Waxaa laga yaabaa in toddobaadkan la ii yimaado oo la i soo qaado,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale eedeymo u jeediyay safaaradda Soomaaliya ee Sweden, isaga oo ku andacooday in dukumentiyo loogu diyaariyay isaga iyo dad kale oo la doonayo in Soomaaliya lagu celiyo, iyadoo aan si toos ah loola kulmin ama wareysi looga qaadin.

Sakariya wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dukumentiyadaas aysan lahayn saxiixyo ama taariikho uu u arko inay muhiim u yihiin xaqiijintooda. Eedeymahan ayaa ku salaysan hadalkiisa, mana jirto jawaab rasmi ah oo safaaradda Soomaaliya ka bixisay eedeymaha ku jira wareysiga.

Wuxuu sheegay in dowladda Sweden ay dadka u sheegtay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay in muwaadiniinta Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda, taas oo keentay in loo diyaariyo dukumentiyo safar.

Sakariya ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah u eegto dadka carruurtooda iyo xaasaskoodu ku nool yihiin Sweden, isagoo sheegay in dib-u-celinta khasabka ahi ay qoysaska kala fogeyn karto.

“Sharci caalami ah ma oggolaanayo in carruurtaada lagaa kala xiro,” ayuu yiri Sakariya.

Ugu dambayn, dadka ku jira xarumaha dib-u-celinta ayaa madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiinta dowladda ugu baaqay inay arrintooda wax ka qabtaan, isla markaana ay la hadlaan dowladda Sweden.