Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug.
Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka dhashay doorashadii isku-sidkanaa ee lagu qabtay Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankiisa ku saleeyay kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo mabda’a ah in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo waafaqsan sharciga.
Sida uu Guddigu sheegay, Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare siinaya awoodda ay ku dhageysan karto, go’aan uga gaari karto, isla markaana xallin karto dacwadaha la xiriira doorashooyinka.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Iyadoo taas laga duulayo, Guddiga Doorashooyinka ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee ku saabsan doorashadii lagu qabtay Galmudug.”
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo saari doono waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo aan weli qoraalka lagu sheegin taariikhda saxda ah ee doorashadaas.





