Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho kulan ka yeeshay cabashooyinka isa soo taraya ee la xiriira dhulalka iyo guryaha laga duminayo qaybo ka mid ah caasimadda, iyagoo dowladda ugu baaqay in la joojiyo tallaabo kasta oo lagu duudsinayo muwaadiniinta xuquuqdooda milkiyadeed.
Culimadu waxay sheegeen in cabashooyin badan ay ka soo gaareen bulshada, kuwaas oo ku saabsan dad haysta dukumiintiyo milkiyadeed oo sharci ah, balse la sheegay in muran laga geliyay ama laga qaaday hantidooda, iyadoo qaarkood lagu soo rogay lacago aan saldhig sharci oo cad lahayn.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in hantida qofka aysan bannaanayn in looga qaado awood, amar maamul ama cabsi gelin, haddii aan la marin hannaan sharci iyo garsoor oo cadaalad ah.
Culimadu waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ay arrintu khuseyso inay si madax-bannaan u baaraan cabashooyinka dhulka, ilaaliyaan xuquuqda shacabka, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo ku takrifal awoodeed, boob ama musuqmaasuq.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen garsoorka inuu si madax-bannaan oo caddaalad ah uga shaqeeyo khilaafaadka dhulka, halka ganacsatada, nootaayooyinka iyo dilaaliinta ay ka digeen inay ku lug yeeshaan hanti lagu helay dulmi iyo xaq-darro.













