Iran Ciidamadeeda Ilaalada Kacaanka oo Shaaciyey in ay Soo Rideen Diyaaradda F-15 Mareykanku Leeyahay.

0
288

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ah nooca F-15, lagu soo riday gudaha dalka Iran, iyadoo ciidamada Maraykanku ay bilaabeen howlgallo raadin iyo badbaadin ah oo lagu doonayo in lagu helo shaqaalaha diyaaradda, sida ay sheegtay New York Times.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa Jimcaha maanta soo bandhigtay sawirro iyo muuqaallo muujinaya burburka diyaaradda, oo ay ku jiraan kursiga badbaadada duuliyayaasha ee diyaaradda, iyaga oo ku andacoonaya in diyaaradda la soo riday. Sidoo kale, muuqaallada waxaa lagu arkayay diyaaraddaha Maraykanka ee C-130 Hercules iyo labo Black Hawk oo jawi hoose ku duulaya ayaa lagu arkay hawada Iran kusoo loo adeegsanayo howlgallada raadinta duuliyayaasha.

Iran ayaa sidoo kale ku baaqday in dadka deegaanku ay u soo dhiibaan “duuliyaha cadowga” booliiska haddii ay arkaan iyaga oo balanqaaday abaal-marin cid kasta oo sidaas sameysa. Warbixinta Associated Press ayaa xaqiijisay warkan.

Tan iyo bilowgii dagaalka, Iran ayaa hore u sheegtay ugu yaraan lix jeer inay diyaarado Maraykan ah soo riday , balse dhammaan sheegashooyinkaas waxa beeniyey saraakiisha Maraykanka. Haddii warkan la xaqiijiyo, tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee Iran si guul leh usoo rido diyaaraddaha Maraykanka tan iyo markii Howlgalka Epic Fury uu bilowday in ka badan hal bil ka hor.

Dhacdadan ayaa kusoo beegsanaysa xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in howlgalka Maraykanku uu ku dhamaandoono labo ilaa saddex toddobaad gudahood. Qiimaha saliidda ayaa sii kordhay Jimcaha maanta ka dib duqeymo ay Iran ka fulisay dalalka Khaliijka oo lagu beegsaday warshado sifeeya saliida.

Dhanka kale waxaa socda baadhitaan iyo xaqiijin dheeraad ah oo lagu sameynayo xaaladda diyaaradda F-15 iyo shaqaalaha saarnaa, iyadoo ciidamada Maraykanka iyo Aqalka Cad anay weli jawaab rasmi ah ka bixin warkaan.