Xulka Kubada Cagta Sooaaliya ee Da’doodu ka Yartahay 17 oo Guul Lama Filaan ah La Soo Laabtay.

0
192

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano (U17) ayaa bandhig ciyaareed yaab leh ka sameeyay magaalada Addis Ababa, kaddib markii ay bar-baro 3–3 ah la galeen dhiggooda Ethiopia, kulan ka tirsanaa tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ay sanadkaan.

Ciyaartan oo aheyd tii saddexaad ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho tartanka, ayaa Ocean Stars U17 ku muujiyeen geesinimo iyo farsamo heer sare ah, iyagoo si layaab leh uga soo laabtay 3–1 ay Ethiopia ku hogaamineysay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Wiilasha Soomaaliya ayaa sameeyay laba gool oo degdeg ah oo beddelay guud ahaan muuqaalka kulanka, ayna ku xaqiijiyeen bar-baro ay daawadayaasha garoonka ku noqotay lama filaan.

Soomaaliya ayaa sidaas ku sii wadata rikoorkooda aan weli laga adkaan, iyadoo saddexdii kulan ee ay ciyaareen ay barbaro la galeen South Sudan, Kenya iyo martigeliyayaasha Ethiopia.

Xulkaan da’doodi ay ka hooseeyso 17 waxa haatan horyaalla waajibaad adag oo ah in kulankooda ugu dambeeya ay guul kama dambeys ah ka gaaraan Rwanda, ciyaar qorshaysan inay dhacdo 24-ka bishan, si ay fursad buuxda ugu yeeshaan inay u gudbaan wejiga xiga ee tartanka.