Wasiirka ayaa hadalladan ka jeediyay shirkii 4-aad ee Madasha Wasiirrada Midowga Yurub iyo Indo-Pacific, oo ka dhacay magaalada Brussels 20–21 November.
Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa iskugu keenay wufuud ka kala socotay in ka badan 60 dal, kuwaas oo ka wada hadlay caqabadaha amniga caalamiga ah, xasilloonida gobolka, iskaashiga multilateral-ka iyo saamaynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada iyo tartanka awoodaha geopolitics-ka ee gobolka Indo-Pacific.
Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay istaraatiijiyadda baddeed ee Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah, isaga oo xusay in wada-shaqayn isu-duuban ay lagama maarmaan u tahay sugidda amniga iyo xasilloonida biyaha gobolka.
“Dal ahaan, Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Bariga Afrika, doodahan waxay si toos ah ula xiriiraan mudnaanteenna qaran,” ayuu yiri.
Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay dib u dhiseyso awooddeeda badda, ay xoojinayso maareynta iyo ilaalinta hawadeeda badeed, isla markaana ay sii ballaarinayso iskaashiga gobolka si loo sugo marinada ganacsiga ee muhiimka ah.
Waxa uu adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha la wadaago, oo ay ka mid yihiin falalka sharci-darrada ah ee badda ka dhaca, nuglaanta cimilada iyo khataraha amni ee ka dhasha tartanka xoogagga waaweyn ee dunida.
Wasiir Cabdisalaan waxa uu sidoo kale ka qaybgalay fadhi gaar ah oo wasiirrada ah oo dhacay Jimcihii, halkaas oo lagu falanqeeyay xoojinta wadahadalka, dhiirrigelinta xalinta khilaafaadka si nabadeed iyo kordhinta iskaashiga si wax looga qabto khataraha cusub ee caalamiga ah.
“Doodda maanta waxay ku qabsoomaysaa waqti ay cakiran tahay xaaladda geopolitics-ka, iyadoo tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysanayo. Silsiladaha sahaydu waxay wajahaan cadaadis cusub, halka baddaha dunida ay noqdeen goob tartan oo sii xoogeysanaya,” ayuu yiri Cabdisalaan.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay dalalka ka qaybgalay in ay si wadajir ah uga jawaabaan caqabadaha ugu degdegga badan ee dunida haysata.












