Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya uu ku cad yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, kaas oo dhigaya in go’aan kama dambays ah laga gaari doono kaddib dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana sharci gaar ah ay ka soo saari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dirir ayaa xusay in aysan jirin cid maanta sheegan karta caasimadda, maadaama dastuurku si cad u qeexayo in arrintaas ay go’aankeeda leeyihiin hay’adaha sharci-dejinta qaranka.
Wasiirku wuxuu iftiimiyay in haddii la tixraaco taariikhda Gobolka Banaadir, aanu jirin “cid sheegan karta” magaalada, maadaama dad kala duwan oo Soomaali ah ay magaalada deganaayeen ka hor intaan dowladnimada casriga ah la helin.
Wuxuu sheegay in dadka lagu magacaabo Banaadiri ay yihiin bulshada ugu xuquuqda badan magaalada, isla markaana ay muddo dheer qeyb muhiim ah ka ahaayeen taariikhda iyo dhaqanka Muqdisho.
Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafintu wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta maqaamka caasimadda aan lagu xallin karin sheegasho qabiil ama taariikh dhinac loo jiidayo, balse loo baahan yahay go’aan sharci oo mideeya shacabka Soomaaliyeed oo dhan.












