Hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA oo Sheegtay inay Deegaanka Cumar Beere ku Dishay Ninkii Qaraxyada u Qaabilsanaa Al-shabaab..

0
5

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan, ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa farsamaynta iyo diyaargarowga qaraxyada ka dhaca gobolkaas sida loogu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay NISA.

Sida lagu xaqiijiyay War saxaafadeedka NISA, horjoogaha la dilay oo magaciisu ahaa Xasan Siidoow Xuseen, ayaa muddo sanado ah ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu halista badan ee kooxda, gaar ahaan kuwa abaabula qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu bartilmaameedsado shacabka iyo gaadiidka mara waddooyinka muhiimka ah.

Wuxuu sidoo kale door muuqda ku lahaa hagista weerarrada ee Al shabaab ay ka geysan jireen gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Gaashaan oo muddo dheer ku raad-joogay horjoogahan, ayaa ugu dambayn ku guuleystay in ay soo afjaraan Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa xilli uu ku sugnaa gudaha deegaanka Cumar Beere.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xaqiijinayso amniga shacabka, iyadoo xoogga la saarayo ciribtirka xubnaha Al-Shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah gobolka.

Hay’addu waxay xustay in ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga kooxda si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan bulshada.