Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in badbaadada dalka ay ku jirto wadashi qaran oo si dhab ah, si looga gudbo xaalad siyaasadeedka cakiran ee dalka.
Jubbaland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay ka weecatay dhamaan ajandeyaashii muhiimka ahaa oo ugu horeeyeen dagaalka Al-shabaab iyo ilaalinta midnimada dalka.
“Jubbaland waxay aaminsan tahay in badbaadada dalka ay ku jirto talo wadaag qaran iyo hoggaan dhab ah oo mas’uuliyad ka qaata mustaqbalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.
Warsaxafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jubaland ay soo dhaweynayso go’aanadii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
“Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ay ku guuldarreysatay hoggaan mideeya shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si joogto ah ugu mashquulsan tahay dano siyaasadeed oo gaaban oo sii fogeeyay kalsoonidii shacabka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.
Warkaan kasoo yeeray Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali maamulka Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed meel adag gaaray, kaasoo sababay in labada dhinac ku dagaaalamaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland oo dhameystiran:-