Fadhigii Golaha Amaanka uu ka Yeelan Lahaa Weerarkii Israa’iil ku Qaaday Doxa oo Dallal ay kamidtahay Soomaaliya Codsadeen in dib loo Dhigo.

0
423

Aljeeriya, Pakistan, iyo Soomaaliya, iyagoo si dhow ula shaqeynaya dowladda Qatar, ayaa si rasmi ah uga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dib loogu dhigo shirka degdegga ah ee looga hadlayo weerarka Israa’iil ku qaaday caasimadda Qatar ee Doha.

Shirkaasi oo markii hore lagu waday inuu qabsoomo xalay kadib markii ay Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ay dacwad ashtika ah ka gudbisay Israa’iil, ayaa la qorsheeyay in la qabto maanta, oo ah Khamiis.

Sida ay sheegayaan ilo-diplomaasiyadeed, codsigan dib-u-dhigista ah wuxuu qeyb ka yahay dadaallo isku dubbaridan oo ay wadaan dalalkan si loo helo waqti dheeri ah oo lagu sii xoojiyo isku xirka, laguna dhiso is-afgarad ballaaran oo ku saabsan mowduucyada muhiimka ah ee laga doodayo.

Lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta dhabta ah ee keentay codsigan, hase yeeshee, falanqeeyayaal ayaa u arka in tani ay la xiriiri karto isku dayo diblomaasiyadeed oo socda.

Ujeedka ugu weyn ee dalalkaanayaa ah si loo mideeyo mowqifyada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka QaramadaMidoobay, ama loo diyaariyo jawaab mideysan oo looga falcelinayo falka gardarrada ah ee Israa’iil.