Waxaa ka jira dalka Israa’iil walaac ku saabsan in furin labaad oo dagaal ay ku furanto, iyadoo dhowr gantaal iyo sawaariiqda lidka taangiyada Talaadadii laga soo riday Koonfurta Lubnaan kuwaasi oo ku dhacay waqooyiga Israel.
Dhimashada labada dhinac ayaa sii kordheysa iyadoo maalintii shanaad uu socdo dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee Gaza.
Waxaa Muuqato In Ay Dowladaha Caalamka Diirada Saarayaan Dagaalka Ka Qarxay Gaza Iyo Israil Waxaana Soo Baxayo Baaqyo Kala Duwan Kuwaasoo Inta Badan Taageero Lagu Siinayo Israil.












