Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Alshabaab laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga taakulaynta Ciidmada iyo guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Alshabaab, kuwaas oo uu sheegay inay gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.












