Dowlada Soomaaliya Oo 30.Sano Ka Dib Howlgelisay Xarunta Kaydka Dhiigga.

0
362

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano ka dib waxa ay dib u howgalisay xarunta kaydka dhiigga Oo u howlgali doonta si maalinle ah waxaana maanta xarunta furitaankeeda ka qeyb galay Ra’siisul-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Dr. Cali Xaaji Aadan,Wasiirka Caafimaadka dowlada Soomaaliya  ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in dhiigga xarunta lagu keydin doono ay ka faa’iideysan doonaan hooyooyinka dhiig baxa u dhinta, caruurta dhiigyaridu haysato iyo waliba dadka ku dhaawacma shilalka.