Abaanduulihii hore ee Ciidanka Somaliland Saleebaan Barre Geesood, ayaa shaaciyay in uu isku dhiibay Ciidamada SSC ee dagaalka kula jira Somaliland.
Saleebaan Barre Geesood oo ka hadlay madal soodhawayna oo Laascaanood loogu sameeyay, ayaa sheegay in uu shaqadiisii uga tagay shacabka SSC dartood.
“Idinka dartiin ayaan shaqadaydii uga imid, waan qiiroonaya markaan dadkayga arko siday ii jecelyihiin, awalna xaaladiina waan la socdoo idinkamaan maqnayn, intii dagaalkaasi bilaabmay niyada waan idin kala joogay” ayuu yidhi Saleebaan Barre Geesood.
“Wax badan oo la yidhaa ma jiro, nimankaa hore ayaynu u kala soocanay, hal wax baa iskugu keen hadhsanaa oo tiina ma ogola, darisnimo iyo xididnimo iyo wax wada cunkii diidee hada waxay onoo taagantahay wax iska celin” ayuu yidhi Fallaalug.
Intii uu dagaalka Laascaanood bilowday saraakiil dhowra oo deegaanada SSC kasoo jeeda oo hore uga tirsana ciidanka Somaliland ayaa ku biiray dhinaca xoogaga SSC.












