Maqaal uu Qorey M/weyne Xasan Shiikh oo uu Codsanayo in Lagu Taageero La’dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

0
462

Madaxweyaha Soomaaliya oo doonaya in lagu taageero ladagaallanka ururrada argagixisada
caalamiga ah !!

Waxaan dareemayaa in aan si gooni ah ugu qalmo ka-hadalka argagixisada caalamiga ah,
maxaa yeelay waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex iskuday oo la igu khaarijin lahaa.
Waxa ay ahayd muddo-xileedkaygii hore ee madaxweynenimo oo ka soo bilowday
September 2012 illaa Febraury 2017.

Iskudaygii koowaad waxa uu ahaa maalinkii iigu horreeyay xafiiska (Madaxtooyada),
iskudaygii labaad wuxuu ahaa mar aan u socday masaajidka ku dhex yaalla madaxtooyada si
aan ugu soo tukado, markii saddexaadna waxa aan safar u ahaa Marka, magaaladaas oo aan
oo ka xoraynay Alshabaab, oo ah urur ku xiran Al-Qaacida oo jihaadi ah oo ka howlgala
Soomaaliya.
Argagixisadu wali waxa ay dhibaato weyn ku haysaa Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe iyo
Bariga Aasiya, iyo adduunka badankiis, oo ay ku jiraan Yurub iyo Maraykan, kuwaas oo
digtooni wayn qaba, sida ku xusan [warbixinta] sanadkaan 2022 ee Global Terrorism Index
(gti) oo uu soo saaray Institute for Economics and Peace oo fadhigiisu yahay Ustureelliya. In
kasta oo warbixintu ay sheegtay in dhimashada argagixisadu sababto ee caalamka si guud
hoos u dhacday, waxa ay hoosta ka xarriiqday in Afrika ay ka tahay 48% [dhimashadaas]
sanadkii 2021.
Soomaaliya kaligeed waxa ay ka tahay 8% dhimashadii [argagixisadu sababtay] oo dhan,
waxaana la mid ah Mali iyo Niger. Kali ah waxaa ka badan Afgaanistaan (oo 20%
dhimashadu ka dhacday) iyo Burkiina Faaso (10%). Iyada oo ururrada ugu caansan
argagixisada caalamiga ahi leeyihiin bartilmaameedyo iyo xiriirro ballaaran, isla markaana ku
howlgalaan tiknoolajiyad casri ah, ma jiro qof ku qanci kara qiimaynta hoos-u-dhaca ee GTI
[lagu xusay]. Waxaa lagu doodi karaa in aysan argagixisinimadu wiiqmin, balse ay
argagixisadu dib u habaynayaan howlahooda oo ay saldhiganayaan. Waa in aan sidaas oo
kale samaynnaa.
Dhanka Soomaaliya, waxaan dagaal kula jirnay argagixisada ku dhawaad labaatameeyo sano,
qalalaasahaasina dadkeena aad ayuu u xanuujiyay. Waxaan markhaatiga koowaad ka ahay
sida argagixisadu u curyaamiso horumar taabbogal ah. Waxa ay hor istaagtaa koboca
dhaqaalaha oo abuuri kara fursado wanaagsan oo wakhti dheer leh –taas oo ah farsamo
muhiim ah oo lagu ciribtiri karo qaar ka mid ah sababaha asalka argagixisada. Sidoo kale
waxa ay dhibaateeyeen [dalalka] dariskeenna. Dowladdayda cusub waxaa ka go’an in ay
keento xal nabadeed iyada oo loo marayo istiraatiijiyado amni oo kala duwan iyo
wadahadallo adag oo Alshabaab la la galo.

Guulaha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay Alshabaab waa kuwo cadcad, balse kuwii
degdegga ahaa ee aan sameeyay muddo-xileedkaygii hore waxa ay si khatar leh hoos ugu
dhaceen xilligii madaxweynihii iga danbeeyay. Siyaasadda madhalayska ah ee Soomaaliya
waxa ay Alshabaab u sahashay in ay siyaalo kala duduwan u cabsi galiyaan, u baadaan oo u
dilaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ka xorayn doonnaa dhammaan dhulalka ay haystaan,
ha yaraadaan ama ha fogaadaan, si ay dadkeennu ugu noolaadaan nabad. Laakiin ururku wuu sii jiri doonaa haddii uu wali awoodo in uu isku-xirnaado oo xudduudaha ka gudbo, in uu askar ka qorto dalka iyo dibadahaba isaga oo adeegsanaya baraha bulshada, iyo in uu cabsi galiyo shacabka ku nool aaggaga uu maamulo. Wadahadal ma la galaysaan argagixisada?

Way fududdahay in su’aasha loo qaato mid falsafadeed kolka aadan ahayn dhibbane
[argagixiso] ama qof halis ugu jira maalin walba.

Laakiin dhab ahaantii waa su’aal xanuun badan. Taariikhdu waxa ay muujinaysaa in
wadahadalladu ay guulaystaan marka dhinacyadu ay diyaar u noqdaan in ay ka tanaasulaan aydhiyoolajiyadahooda gacan-ka-hadalka ah.

Annaga oo Soomaaliya ah waxa aan taagannahay furin, sida wadammo badan oo kale Afrikaan ahi yihiin, oo ay ku jiraan kuwa gobolka Saaxil, waana in aan run isu sheegnaa ku saabsan sidii aan u keeni lahayn xasillooniiyo nabadgalyo waara.

Dhab ahaan waa khatar in lagu dheggenaado uun aragtida ah in guul milateri ay kaligeed si
mucjiso ah u keeni karto nabadgalyo degdeg ah. Wadahadallo waa loo baahan yahay, sidoo
kale. Khibradda Soomaaliya iyo cilmibaarisyada caalamiga ahiba waxa ay si cad u
muujinayaan in argagaxinimada ay dhaliyaan fakhriga, kala qoqobka bulshada,
caddaaladxumada iyo maqnaanshiyaha fursadaha [ay helaan] muwaadiniinta, gaar ahaan
dhallinyarada.

(Dabcan, sidoo kale waxaa jira dad wax bartay oo hodan ah oo go’aansada in ay noqdaan
argagixiso. Usaame Bin Laadin waa tusaale caan ah). Waxaan garowsannahay in ay khasab
tahay in aynu durba u dhaqaaqno ajandayaasheena qaran-dhiska. Si aan u helno bulsho
wanaagsan waxaan u baahannahay maamul-wanaag, fursado dhaqaale, sharciga oo sarreeya iyo siyaasad loo dhan yahay.

Siyaasadaha xunxun ee ku salaysan is-kooxaysiga aan dhammaanayn iyo qalalaasaha
joogtada ah, oo ay tusaale u tahay doorashooyinkii dhawaa ee Soomaaliya ee daahay, kali ah waxa ay wiiqayaan dalalka nugul sida Soomaaliya, sidoo kale waxa ay nasiino iyo
dhiirrigalin u yihiin argagixisada. Ugu danbaynta Soomaalida ayay u taallaa in ay aayahooda ka difaacdaan Alshabaab.

Sidaas oo ay tahay, abaal baannu ka haynaa taageerada ay Soomaaliya siiyaan
saaxiibbadeena caalamka ee qiimaha badan, ee ku aaddan ladagaallanka argagixisada
caalamiga ah. Iskaashigaasi waa lamahuraan, waayo, iyada oo Alshabaab iyo Daacish dhibka ugu weyn u gaystaan shacabka hoos jooga, haddana ma qarsadaan ahdaaftooda caalamiga ah.

Hore ayay u muujiyeen in ay isu diyaariyeen in ay falalkooda qalalaasaha ah ay gaarsiinayaan degaanno [iyo dalal] cusub.
Taasi waxa ay xoojinaysaa sida loogu baahan yahay in la labanlaabo dadaallada caalamiga ah
ee iskaashiga amniga iyo kaalmooyinka horumarka ee waxgalka ah. Waxaan kale oo ka wada
shaqayn karnaa si aan uga hortagno argagixisinimada, in aan ganafka ku dhufanno beena haku hoos duugan. Maanta waxa loogu yeero “Jihaadka Caalamiga ah” waa isburin casri ah.

Macquul ma aha in tacaaliimta nabadeed iyo mabaadii’da islaamka lagu caddeeyo oo ay
hirgaliyaan argagixiso doonaysa in ay burburiso binii’aadannimada danahooda [gaarka ah]
awgood, iyaga oo aan Ilaahay iyo khilaafad toona matalin. “Jihaadka Caalamiga ah” waa in
lagu sheegaa dhab ahaan waxa uu yahay [oo ah]: argagixisanimo caalami ah.

Qodobkaani waa asaasi, waayo, waa waran abbaaraya wadnaha aydhiyoolajiyadda
argagixisada ee lunsan. Si guud, muddo dheer ka hor ayay ururrada argagixisada ahi marinhabaabiyeen oo dibindaabiyeen aragtida jihaadka iyo Islaamka. Run ahaantii, wax kale maaha ee waa danaystayaal xagjir ah.

Waa in sidaa loogu caddeeyaa. Ka hortagga argagixisada caalamiga ah waa masuuliyad loo
dhan yahay ee uma taallo kali ah siyaasad-dajiyayaasha dowladda uun. Bulshada rayidka ah,

wakaaladaha gaarka loo leeyahay iyo hoggaanka dadweynaha maxaliga ahiba waa in ay qayb
ka yihiin marka aan ka tashanayno xalalka.

Si aad ah ayaana loogu baahan yahay xalal. Siyaasadihii caalami ahaa ee muddada dheer
jiitamayay ee cabburinta iyo awood-dhimidda Alshabaab iyo argagixsada kale nagu ma filna.

Si aan dhammaanteen u nabadgalno, argagixisadaas waa in aan milateri ahaan iyo
aydhiyoolajiyad ahaanba uga adkaannaa.

W/Q: Xasan Sh. Maxamuud (Madaxweynaha Soomaaliya)
W/T: Madasha Hoobaan Maqaalka
waxaa lagu baahiyay: economist.com