Madaxweyne ku xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha dowladda Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum ayaa wuxuu ballan qaaday in dalkiisa uu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayaa sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.
Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaan wax xiriir ah laheyn tan iyo Sanadkii 2018-kii, waxaana raysal wasaare Rooble uu sheegay inuu dib u hagaajinayo xiriirka labada dal.
Rooble ayaa dowladda Imaaraatka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo Imaaraadka u ballan-qaaday in lacagtaasi loogu celin doono.












