Ugu yaraan 9-ruux ayaa ku geeriyootay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu la kacday Miino dhulka lagu aasay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Jubbaland.
Dadka dhintay ayaa ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxa lala eegtay gaari Bas ah oo ay la socdeen, sida uu sheegay duqa magaalada Kismaayo, Cumar Faraweyne.
“Tani waxay ahayd dhacdo aad u xun, 9 qof oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qaraxa oo burburiyay bas yar oo ay la socdeen dadkani,” ayuu yidhi Cumar Faraweyne oo ka qeyb galayay aas wadareed marxuumiinta loogu sameeyay Kismaayo.
Duqa Kismaayo ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo lagula dagaalamayo Alshabaab iyo cid walba la shaqeysa. Wuxuuna sheegay in aysan u dulqaadan doonin daadinta dhiigga shacabka ee maalin walba qubanaya.












