Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa shaki weyn galiyay doorashadii Golaha Shacabka ee shalay lagu qabtay magaalada Garowe.
“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Cumar Cabdirashiid oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan sida ay doorashooyinku ku socdaan, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada in ay boobayaan doorashada, maadaama sida uu sheegay, habraaca doorashadu uu siinayo awooddaha soo xulista ergooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, kadib shirkii golaha wadatashiga qaran, ma jiraan tallaabooyin loogu hiilinayo hufnaanta doorashada, waxaana xildhibaannada hadda soo baxay, ay u muuqdaan kuwo ay doorashadoodu saamayn ku leeyihiin dowlad goboleedyada.