Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay habraaca doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliland.
Guddiga ayaa qoraalkooda ku shaaciyay in diiwaan gelinta kuraastan ay bilaabaneyso maanta oo Sabti ah, islamarkaana ay doorashadoodu dhici doonto maalinta Isniinta ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 24-ka bishaan Janaayo.
Doorashada sadaxdaan kursi ayaa kusoo beegmeysa xili shalay ay shaaciyeen guddoomiye Cabdi Xaashi, Boqor Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi in doorashada uu raysal wasaaraha boob ku haayo, islamarkaana ay isaga baxayaan, inkastoo arinkaasi ay beeniyeen garabka Rwasaare kuxigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed oo raali galin ka siiyay ra’iisal wasaaraha eedeynta loo jeediyay.
