“Waxan halkan digniin uga dirayaa TV-ga Universal, hablo aan afsoomaaliga-ba garanayn ayuu keenay, oo hooyadii inan keeda soo barbaarsatay ee diintu sheegtay in ay saddex jeer xaq ku leedahay, oo dhibaatada iyo duruufaha ay lasoo martay la ogyahay in inta TV lala soo istaago la yidhaa dhibaato ayay noloshiisa ku tahaye yay soo agmarin” ayuu yidhi Koore.
“Aniga manta hooyaday way nooshahay qofkasta oo idinka mid ahina wuu garanaya qiimaha ay hooyadu ugu fadhido, in TV-geenii lala soo fadhiisto inagoo dad muslin ah oo dhaqan leh ah, in hooyadii la ajinabiyeeyo iyadoo diintiina meel lagaga dhacayo oo aayado iyo xadiisyo la beeninayo”.
Doodan oo lagu falanqeeyay in “hooyadu ay guriga wiil keeda booqan karto marka uu wiil keedu guursado iyo in fasax loo waydiinayo xaaska wiil keeda”, ka qayb galayaan badana ay sheegeen in ay xaaskooda fasax u waydiin lahaayeen si hooyadood guriga u timaado, ayaa buuq iyo dood baraha bulshada ka abuurtay.











