Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya dhinacyada guddoonka sare ee doorashada Golaha Shacabka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, kadib qoraalo kala duwan oo dhinacyada soo saareen saacadahii la soo dhaafay.
Guddoomiye Abiib ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay inuusan aheyn guddoomiye kuxigeen koox gaar ah, islamarkaana loo baahan yahay in jahwareerka siyaasadeed laga madax banaaneeyo guddiga oo aanan lagu dhex milin howlaha siyaasiga.
Xubnaha guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo ka kala socda labada garab ee kala hoggaaninayeen Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa markale waxaa muuqaneysa iney ku loolamaya arimaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.












