Eedeyntii Mucaaradku u Jeediyeen Hannaanka Doorashada iyo Khaladaad ka Dhex Muuqda oo Gudaiga Xalinta Khilaafaadku ka Jawaabeen.

0
242

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa ka codsaday midowga musharraxiinta caddeymo muujinaya in guddigu uu ka hor istaagay inuu ka qabto dacwad ama go’aano guddigu gaaray oo loo maray sifo baalmarsan habraaca doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in labo dacwaddood oo kaliya ay soo gaareen tan iyo markii ay shaqadooda si rasmi ah u bilaabeen, waxayna caddeeyeen in labadaas dacwo ay u mareen habraaca doorashada.

Guddigu waxay sheegeeen in aysan qaban doonin dacwad aan lasoo marin nidaamkii loo dajiyay, waxayna sheegeen in badi dacwadaha musharraxiinta ay yihiin kuwa aan soo dhaafin warbaahinta.

  1.