Xallinta Khilaafaadka Heer Federal oo kasoo Horjeestey Qodob kamid ah Habraaca Doorashada Gobolada Waqooyi.

0
445

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ayaa ka horyimid qodob kamid ah habraaca lagu maamulayo doorashada xildhibaannada Somaliland.

Qodobka ay diideen, ayaa ah, in guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi ay go’aan ka gaarayaan khilaafaadka doorashada haddii ergooyinka beeluhu xallin waayaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga xallinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in qodobkaas uu si toos ah uga hor imaanayo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo sheegay in aysan jirin cid kale oo awood sharci u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashada.

Guddigu wuxuu ugu baaqay guddiyada kale ee doorashooyinka in ay dhowraan heshiisyadii kasoo baxay golaha wadatashiga qaran, gaar ahaan heshiiska habraaca xulista ergooyinka doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafaddeedka:-

 
  1.