Wareegtadii uu M/weyne Farmaajo ku Mamnuucey Dhulka Danta Guud oo R/wasaare Rooble Gudi u Magacaabey.

0
545

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga fulinta wareegtadii madaxweyne Farmaajo ee aheyd ilaalinta dhulka danta guud.

Guddiga uu magacaabay Raysal wasaare Rooble ayaa ka kooban afar wasiir oo Xukuumaddiisa ka tirsan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga afarta wasiir ka kooban.

Wasiirada kale ee guddiga ayaa kala ah Wasiirka Cadaaladda Cabdiqaadir Maxamed Nuur, wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab.

Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu kaga digaayo in la boobo dhulka danta guud, islamarkaana sheegay inaan la aqbali doonin in la boobo dhulka danta guud ee dalka.

  1.