Talyihii Ciidanka Danab Ee Gobollada Dhexe Oo Guriceel Lagu Dilay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

0
242

Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar rogaal celis ah oo ay galabta soo qaadeen maleeshiyaadka Ahlu Sanna uu sabab unoqday in ciidamada maamulka Galmudug dib looga qabsado xarumaha maamulka Guriceel waxaana Khasaara lixaad leh kasoo kala gaaray dhinacyada dagaalkii galabta dhacay.

Gaashaanlle Abdiladiif Feyfle oo ahaa Taliyihii ciidamada Danab ee gobollada dhexe ayaa la xaqiijinaya in dagaalka lagu dilay Sarkaalkan oo ciidanka Mareykanka ay ku tababareen saldhigga Balidoogle ayaa isagoo ciidan boqolaal ah wata gurmad ahaan utagay Guriceel,

wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku dagaallamayaan magaalada waxaana caawa fiidkii la maqlayay daryanka rasaas iyo madaafiic aad uculus.

Maleeshiyaadka Suufida ayaa gacanta ku dhigay illaa 2 gaari oo ay lahaayeen ciidamada ‘Galmudug’ lama saadaalin karo sida ay noqon doonto xaaladda Guriceel balse DF-ka ayaa ciidamo dheeraad ah ka dajisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
  1.