“Waxan rabaa in aan ka faa’iidaysto fursadan maanta, in dad Soomaaliyeed laga soo celiyo Laascaanood, dad Soomaaliyeed oo joogay dhul Soomaaliyeed ma dhihi kartid waan tarxiilayaa, waa mustaqbal xumo, waa sharaf xumo in dad shacab ah oo Laascaanood ganacsi ku haystay la yidhaahdo ka guura koonfur ayaad ka timaadeene, waa ayaan daro, laakiin, taariikh ayaa qormaysa, waxan rajaynayaa shacabka ku nool magaalada Laascaanood arrinta in ay ka dhiidhiyaan, tusaan ehelnimada Soomaalinimada iyo in dalkan la wada leeyahay, dalkan wuu inaga badanyahay, dalkan magaca Soomaali ayaa lagu leeyahay, cid Soomaali, Soomaali kale ka xigta ma jirto, insha allah ceebtaas in aad iska dhaqdiin ayaan rajaynayaa reer Laascaanoodow” ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.
Shacabka ay soo masaafurisay Soomaaliland oo la sheegay tiro ahaan iney gaarayaan ilaa 700 oo ruux ayaa maanta soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay soo dhaweyn ugu sameeyeen shacabka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah u hadal haaya falka Soomaaliland ay dadkan Soomaaliyeed uga soo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ah magaalo ka tirsan dalka Soomaaliya.











