Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland oo Hal Askeri Ku Dhintey iska Hor imaad ku Dhexmarey Ciidanka iyo Dabley Hubeysan.

0
262

Hal askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaacmeen iska hor imaad xalay ka dhacay magaalada Garowe, oo dhexmaray ciiddanka amniga iyo rag ka ganacsada maandooriyaha.

Iska hor imaadkan ayaa dhacay xilli dambe oo saqdii dhexe ee xalay, kadib markii ciiddanka amniga oo sameynayay roondo ay ka war heleen gaari lagu siday maandooriye oo ay ragga hubaysan la socdeen.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Garowe waxay sheegayaan in ciidanka amnigu gacanta ku dhigeen qaar kamid ah ragga maandooriyaha sitay, halka kuwa kalena ay baxsadeen, laguna raad joogo.

Laamaha amnigu weli kama hadlin dhacdadan, oo kusoo beegantay xilli aad walaac looga muujinayay falalka amni darrada ee salka ku haya isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha Qamriga.

Dhawaan, wasaaradda amniga iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal iyo kan degmada ayaa ka shiray sidii tallaabo adag oo sharciga waafaqsan looga qaadi lahaa dadka faraha kula jira maandooriyaha.

  1.