Labada R/wasaare ee Dalalka Soomaaliya iyo Qater oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Doha ee Dalka Qater.

0
598

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Qatar ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo waliba kordhinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani kaa oo diirada ay  ku saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya”ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la filayaa inuu saacadaha soo socda kulan la qaato Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani.

Raysal wasaare Rooble ayaa shalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaasi Qatar, waxaana safarkiisa uu imaanaya xili khilaaf aad u daran uu ka dhex jiro madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble.

  1.