Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ iney ku dhawaaqdo go’aanka kiiska dacwada Badda ee u dhaxeeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Kenya ayaa maalmo ka hor waxay shaacisay ineysan aqbali doonin go’aanka kasoo baxa Maxakamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.
Maxkamadda ICJ waxay shalay si rasmi ah u shaacisay in maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi doono saacadu marka ay tahay 3:00 Galabnimo, waxaana Xarunta Maxkamadda ICJ ee Magaalada Hagea ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed.
Masuuliyiinta ka socota dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hagea waxay sheegeen iney rajo aad u wanaagsan ka qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xukunka maanta la sugaayo.











