Bashiir Goobe Oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska

0
164

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Magacaabista  Wasiiru dowlaha ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo  lagu soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Wasiiru dowlaha u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

  1.