Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay maanta munaasabad ay khudabadahooda Musharaxnimo kusoo bandhigayeen Musharaxiinta kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya xaalada dalka.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Raysal wasaaraha iney ka qeyb qaataan howlaha amniga iyo xasiloonida dalka, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara tuhun iyo qalqal amni.
“Xaaladda dalka maanta wuxuu marayaa meel fiican doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad wey iska yimaadaan laakin wax weyn maahan, wax weyn yaan loo qaadanin wax walba waxaa ka muhiimsan xasilloonida iyo nabad galyada dalka” Ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inaysan haatan jirin wax sida u weyn oo la isku haayo, waxuuna faray shacabka Soomaaliyeed iney wax ka dhowraan xasiloonida dalka oo aysan ka faa’ideysan Al-shabaab.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa inay ilaaliyaan xasiloonida Al-Shabaabna uusan ka faa’iidaysanin, ayna ka fogaadaan waxa tuhumada ama qalqalka abuurayo” ayuu yiri Rooble
Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya waxuu markale goobta ka sheegay in kiiska Ikraan Tahliil kuwii ka dambeeyay in maanta ama beri ay gacanta shacabka soo gali doonaan, islamarkaana lala xisaabtami doono.











