Allaha U Naxariistee Mid kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeele oo Muqdisho ku Geeryoodey.

0
260

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax, wuxuuna ahaa wasiiru dowlahii wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo loo yaqiinay Kolombo ayaa geeridiisa waxaa Shabakaddaha Warbaahinta Qaarkood u xaqiijiyay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxayna sheegeen in Marxuumka uu xanuunsana maalmahii lasoo dhaafay maanta uu ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariistee Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax Kolombo, islamarkaana sheegay inuu murugada la qeybsanaayo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxay Marxuumka.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la aaso meydka allah u naxariistee Maxruum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo ay ka qeyb gali doonaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

  1.