Doorashada Soomaaliya oo Dalalka Jaamacadda Carabtu u Balan qaadeen Lacag Taageero ah.

0
599

Wasiirrada arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa ku oggolaaday, kalfadhigoodii 156 -aad ee caadiga ahaa ee Qaahira inay taageerayaan doorashooyinka Soomaaliya dhaqaale & farsamo ahaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka codsatay dalalka Carabta inay bixiyaan 12 milyan oo dollar oo ka mid ah miisaaniyadda 29 milyan ee la qorsheeyey in lagu qabto doorashada qaran ee Soomaaliya.

“Wasiirrada arrimaha dibedda ee Carabtu waxay isku raaceen, kal -fadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir guddoominayey, Sheekh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Kuweyt, in Soomaaliya laga taageero dhaqaale iyo farsamo ahaan doorashada, ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka,” ayaa lagu yiri bayaanka jaamacadda carabta.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in dowladdu ka  walaacsan tahay dhaqaalaha doorashada ku baxaya, iyadoo beesha caalamka ay balanqaaday 7.7 milyan oo ay soo marsiisay Qaramada Midoobay.

“Markii ugu horreysay, Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee 1991 waxay bixin doontaa miisaaniyadda ugu badan ee doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha,” ayaa lagu yiri war lagu daabacay wakaaladda warraka ee SONNA.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in dhaqaalaha ugu badan ee doorashada uu kasoo xaroodo dhaqaalaha laga qaadayo musharraxiinta ka qeyb galaya doorashada, taasoo lagu qiyaasay 8.2 milyan oo dollar.

  1.