Dhibane Ka Cabanaya Ninka Lagu Magacaabo Axmed Sucuudi oo ah Ninka Labaad ee Shirkadda Hormuud(Daawo):

0
1548

Waa Qiso Xanuun Badan Hadii aad Muuqaalkan Daawato Waxaad Ogaaneysaa In Naxariis Dadka Badanki Aysan Laheyn in Caddaaladdi Dhulka Hoostiisa La Geliyey oo ay Qabyaalad iyo Iskaashi Laaluush ay Ka Weyntahey Cabsida alle.

Ninkan Waa Ganacsadaha Labaad ee Shirkadda Hormuud,waa Madaxa Evc ee Shirkadda Hormuud, Magaciisu Waa Axmed Maxamed Yuusuf (Axmed Sucuudi) ayuu ku Magac dheeryahey,Qofna wax kama Maqlo, sida ay Dad badan Xaqiijiyeen Muuqaalkiisa kore Waa Muslim ah Laakiin Xagga Dad La Dhaqanka iyo Garbaxa kuma Fiicna,Ma Xishoodo,Qabiilkiisa Wuu iskala weynyahey Cidna Wax Kama Maqlo Gabaadkiisu waa Lacag wuxuu Aaminsanyahey in aan Cidina Garsoorka uga Sareyn oo Cidii ay is Dacweeyaan uu guul Daro kala Tegayo Sida Dhacdey Marar Badan oo Dad ay is Qabsadeen Garta iyo Guushana uu isagu Qaatey.

Wuxuu Isticmaalaa Xeelado Guracan oo aan Adduun Iyo Aakhiro Ku Fiicneyn,Dadka Ayuu Hantidooda Ku Qabsadaa, Kadibna Maxkamadaha Ayuu Laaluush Uga Soo Dhameystaa Warqado Been Abuur ah Markii uu Qas Qalalaase Geliyo wixii leysku haystey oo lagu kala Cararo ayuu Mudo kadib Qofkii oo Daalan ayuu Dillaaleey usoo diraa kuna Dhaan aan lacag kaaga aadnee Ka iibi Sidaas ayuu Qofkii iyo Hantidiisiiba Ku hantaa Sida Hada Qisadan Gabadha Lagu Magacaabo Muxibo Shiilaale uu kula Dhaqmey Dhibaatana ku wadey Muddo Sadex Sano Ah Hantideedina Maanta isaga u Afduubantahey Iasagoo Adeegsanaya Magaca Milkiilayaasha Shirkadda Hormuud.

Hadaba Marka Aad Daawato Muuqaalkan isla markaana Aad Dhegeysatid Khataraha Dhibaatada uu Marsiiyey Gabadhan Dhibanaha ah Muxibo Shiilaale Aragtidaada Ka Dhiibo oo ka Qabo Gacanta Wadada Qaladan ee uu ku Socdo Axmed Sucuudi Hadii aad Wax gasho oo Xumihiisa iyo waxa Laga Sheegayo ku Dhibayaan.

Mahadsanidiin       Daawasho Wanaagsan:

  1.