“Anaga farmaajo kama rabno diyo balse waxaan ka rabnaa inuu taageero cadaalada loo raadinaayo gabadheyda Ikraan Tahliil” ayay tiri hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.
Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo kasii hadleysay kulanka lagu taageerayay Raysal Wasaare Rooble ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya uga mahadcelisay dadaalka ay sheegtay inuu ku bixinaayo cadaalad u raadinta gabadheeda Ikraan Tahliil oo ay bishaan bilowgeedii hay’adda NISA ay sheegtay iney Ikraan Tahliil dileen Al-shabaab, islamarkaana Shabaab ay beenisay warka ah iney dileen Ikraan Tahliil.
Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabadh ka tirsaneyd hay’adda Nabdsugida iyo Sirdoonka qaranka oo NISA ay sheegtay iney ku baxday gacanta Al-shabaab ayaa sababay khilaaf noocii ugu darnaa abid oo soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaaso oo ilaa hada u dhaxeeya labada masuul.











