“Caqligeeda ma lihi, aragtideeda ma lihi, shacabkii aan shalay u naxay, colaadii aan damiyay, dib aan u furo ma dhacayso. Nin dagaalamaya, mucaarad ah, raba inuu qori qaato, ma ahi,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Janan waxa uu sheegay in si qaldan loo turjumay kaddib markii uu kasoo guuray hoygiisa oo ku dhawaa xarunta nabad sugida, taasoo uu sheegay in loo fasiray inuu dhinaca mucaaradka usoo guuray.
Wasiirkii hore amniga Jubbaland ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arrimaha Gedo, wuxuu sheegay in uusan waxba kala socon wararka sheegaya in ciidamadii uu dowladda ku wareejiyay ay gadood sameeyeen.
Wuxuu sheegay ciiddamadaasi in ay yihiin ciidamo dowladdeed oo uu masuuliyadooda horay ugu wareejiyay xukuumada Soomaaliya, wuxuuna sheegay ciidamadaas in aysan hadda ku shaqeyn fikirkiisa.











