Kulankan oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ku dhexmaray aalada fogaan araga madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka madaxda wadatashiga qaran uu kusoo idlaaday jawi aad u wanaagsan.
“Golluhu waxa uu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’isul wasaaraha ee lagu dhameystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Raysalwasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hogaankooda iyo waliba in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka” ayuu yiri Macalimuu.
Kulankan ayaa imaanaya xili arrimaha doorashooyinka Aqlka Sare aay ka bilaawdeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo qabtay qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.











