Doorashada Golaha Shacabka oo Habraaceeda ay kasoo Horjeesteen Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

0
812
Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraacii dooraashada golaha shacabka ee dhawaan ay soo saareen golaha wadatashiga qaran.
War qoraal ah oo kasoo baxay Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay iney kasoo horjeedaan habraaca golaha shacabka ee lasoo saaray, kadib markii ay ka dhex arkeen iney ku jiraan xadgudub xaquuqda muwaadinka uu u leeyahay ka qeyb galka doorashooyinka dalka iyo waliba ku tagrifal awoodeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka ee ay maamulayaan golaha wadatashiga qaran.

 

“Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka taasina waxey sheki badan gelineysa suurtogalnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda dalka iyo dadka Soomaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Ururada Bulshada Rayidka.

Qoraalkan kasoo baxay ururada bulshada rayidka oo ay ku diidayaan habraaca doorashada Aqalka Hoose ayaa imaanaya xili sidoo kale shalay Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ay iyagana kasoo horjeesteen habraaca doorashada Aqalka Hoose.

Hoos ka akhriso qoraalka Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed:-

 
  1.