AMISOM ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan dhacdadii tuulada Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, kaddib markii lagu eedeeyay askartooda in ay si bareer ah u laayeen dad shacab ah oo aan waxba galafsan.
AMISOM waxay sheegtay in ay heshay warar sheegaya in dad rayid ah nolashooda ku waayeen howlgalkooda, waxayna hoosta ka xarriiqday sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee Bani -aadamnimada iyo xuquuqda Aadanaha, in ay bilowday baaritaan qoto dheer oo ku saabsan dhacdada lagu eedeeyay.
AMISOM waxay sheegtay in guddi gaar ah oo ay u xilsaartay baadhitaanka ay soo bandhigi doonaan natiijooyinkooda.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli qoysaska dadkii lagu laayay Golweyn oo gaaraya todobo qof ay dalbadeen in caddaalada la horkeeno askartii AMISOM ee falkaas ka dambeeyay.












