Waxaa sidoo kale masuuliyiintii ka hadashay qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq iyo guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhuuboow kuwaas oo sheegay in Baledweyne amaan tahay doorashadana ay ka dhici doonto.
Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhuuboow ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay yihiin qaswadayaal meelaha taagan qaskii aay wadeena ay lasoo galeen Baledweyne.
Gabagabadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh isxaaq ayaa isna sheegay in hadalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta uu ahaa mid gaf ku ah shacabka reer Hiiraan.
“Hadalka kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta waa mid gef ku ah shacabka reer Baledweyne waana iney raali galin ka bixiyaan Midowga Musharaxiinta” ayuu yiri Guddoomiye Siraaji.











