Taliska ciidamada Daraawiishta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo la sheegay inuu ka tirsana dagaalamayaasha Al-shabaab.
Taliye Geedi ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al-shabaab oo lasoo xiriiray ciidanka dowladda kuwaas oo doonaya iney isaga soo tagaan Al-shabaab.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa mudooyinkii dambe ka socday dagaalo culus oo u dhaxmaraayay ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Fedaraalka oo iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab.
Dhinaca kale madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa warsaxafadeed ay soo saartay kaga hadashay howlgalada ka socda deegaanada Mudug iyo waliba dagaalada dhexmaray Galmudug iyo Al-shabaab.
Warsaxafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayay guulo kaga sheegatay Galmudug dagaalada dhexmaray iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.












