Madaxda Soomaalida iyo M/weyne Farmaajo oo Hambalyo ku Aadan Ciidul Adxa u Direy Umada Soomaalida iyo Shucuubta Islaamka.

0
404

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Munaasabadda Maalinta koowaad ee Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciidda Carafo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale fariin hambalyo ah u diray shacabka Soomaaliyeed Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka,Madaxda Axzaabta Siyaasadda Dalka iyo Masuuliiyiin Kale.

  1.