M/weyne Axmed Madoobe oo Guul Wax ku ool ah Ku Tilmaamey Xubnihii Xildhibaanadii Aqalka Sare ugu Horeeyeey in ay soo Saareen.

0
351

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa guul weyn oo ay gaareen ku tilmaamay in ay Soomaaliya ka saareen hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee muddada dheer soo jiitamaysay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u hambalayeeyay xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalka iyo Jubalandba lagu soo doorto.

“Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa u mahad celiyay dhamaan guddiyada Doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd qabsoomida dorashooyinkan.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa ka socda doorashada aqalka sare waxaana Jubbaland ay noqotay maamulkii ugu horeeyay ee bilaabay hirgalinta doorashooyinka dad ban ee Soomaaliya.

  1.