Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Sheegay In R/wasaare Rooble Ka Jeestay Khilaafka Gudiyada Doorashada Gobolada Waqooyi.

0
338

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu ka gaabiyay masuuliyaddii ka saarnayd habsami u socodka howlaha doorashooyinka qaran iyo inay doorashadu u dhacdo si xor iyo xallaal ah.

Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay in raysal wasaaraha looga fadhiyo midaynta guddiyada doorashooyinka Somaliland oo khilaaf awgiis u kala jabay labo garab oo iskasoo horjeeda.

  1.