Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa Xalay kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka dalka ee heer qaran ee uu guddoomiye u yahay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar.
Kulanka guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka iyo guddiga xaqiijinta amniga doorashooyinka dalka ayaa imaanaya xili dhawaan lagu dhawaaqay jadwalka doorashooyinka, iyadoo dhamaadka bishaana ay qabsoomi doonto doorashada xildhibaanada aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka Maxamed Xasan Cirro ayaa maalmahii ugu dambeyay waday kulamo wadatashi oo uu ku dardar gelinaayo sidii ay u qaban lahayeen doorasho wadar ogol ah oo dalka ka qabsoonta.











