Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Maandooriye Si Xeeladeysan Loogu Soo Dhex Qariyey Gaari Qaad Sidey.

0
516

Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay baabuur qaad siday.

Keesas khamri ah ayaa lagu soo dhex qariyay jawaanada qaadka, waxaana korka laga saaray qaad si loo moodo in baabuurku qaad kaliya sido.

“Jawaanada aad arkaysan, ee qaad ku kujiro maaha qaad” sida waxa yidhi taliyaha booliiska Jeneral Dabagale.

“Baabuurtii qaadka ayaa khamri lagu soo guray, dushana qaad baa lagaga soo guray” ayuu hadalkiisa ku daray Dabagale.

Taliyaha ayaa sheegay in askartii khamriga qabatay laysku dayay in la laaluusho balse ay iska diideen.

“Gabadhii khamriga lahayd $3000 ayay usoo dhiibtay laba inan oo ay tidhi labadii askari ee qabtay siiya” yuu yidhi.

“Xataa haday lacagta ku qanci waayeen gaadhiga in lagu wareejiyo oo nootayo loo saxeexo ayay usoo gaadhay”.

“Nasiib wanaag askartii lacagtii intay ka qaadeen ayay labadii inan qabteen, lacagtii, khamrigi, gaadhigi iyo inamadiba iyagoo wada ayay nookeneen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dadka ka ganacsada maandooriyaha, ayaa isticmaala tabo kala duwan oo ay khamriga iyo xashiishada kusoo galiyaan Somaliland.

  1.